WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Maamulka Puntland Deni oo Garoowe iskugu keenaya Madaxda Mamulada iyo Dowladda Federaalka-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Garowe, kaddib markii uu  dib ugu laabtay Garoowe ayaa ku dhawaaqay shir wadatashi ah oo 2-da bisha May ka furmi doono magaalada Garowe.

Saciid Deni ayaa shirka ku casuumay Madaxda dowladda Federaalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

“Shir kooban oo wadatashi ah ayaa bisha soo socota 2 bisha May ka dhici doona Garowe, shirkaas waxaa rajeynayaa in ramadaanka ka hor inuu noo dhamaado, shirkaas wadatashiga ah, waxaa isugu imaan doona Madaxweynaha dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed”ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa uu sheegay in shirkan looga hadlayo doono qaabka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada u wada shaqeynayaan, isla markaana magaca shirka uu qaadanayo uusan noqon sida Golaha Amniga Qaranka oo kale.

Saciid Deni ayaa tilmaamay in howlaha shirka hor-yaala ay ka mid tahay sidii marxalada dalka uu ku jiray horay loogu wadi lahaa, sida arrimaha siyaasadda doorashada 2020 iyo arrimaha kale ee hortebinta leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in si gaar ah looga tashan doono doorashada soo socota qaabka ay u ekaaneyso, mudada kooban ee ka haray habkii looga hadli lahaa arrimaha siyaasadda sida uu yiri.

Shirkan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli uu dib u dhacay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee bishan ka dhici lahaa Muqdisho, sidoo kale waxaa baaqday shirkii horay loogu balamay inuu ka dhaco Garowe bisha Maarso, kaasoo lagu dhawaaqay xilligii caleema saarka Madaxweynaha Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top