WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Halkuu ku dambeeyay Maamulkii Khaatumo iyo Siyaasadii Cali Khaliif-Video

Laascaanood ( HM ) Wariye Cali Xaraare ayaa Waraysi magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota kula yeeshay Rashiid Diiriye Faarax, Afhayeenka Jaaliyadda Khaatumo ee Imaaraadka Carabta.
Cabdirashiid Diiriye ayaa la waydiiyey Halka ay ku dambaysay Xukuumaddii Khaatumo, Wadahadalkii ay la furtay Somaliland iyo Arimo kale oo la xidhiidha Xaalada Deegaanka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Siyaasadda Dr. Cali Khaliif iyo Qorshaha uu heshiiska ula galay Somaliland, Isagoo Xusay inaysan waxba ka Qabsoomin Heshiiskii aan la fulin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Rashiid Diiriye Faarax ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Soomaaliya uu ka dhexayn Jiray Xidhiidh wanaagsan, Isagoo Madaxda dawladda ka codsaday in wax laga Qabto.

Waxaa wax laga Waydiiyey Hadal dhowaan kasoo yeedhay C.raxmaan Faroole kaasi oo uu ku dhaliilay DF Somalia, Wuxuuna ku tilmaamay Hadal meel loo Waayey.

Mar wax laga waydiiyey Shirkii Nairobi ayuu sheegay inay tahay Ayaan darro in Ragga doonaya in maanta Soomaali ku celiyaan Burburkii.

Ugu dambayntii wuxuu ka hadlay kulan uu la yeeshay Xildhibaan Ilhaan Cumar, Arimaha ay kala hadashay, isagoo ka Qayb galay kulan ay ku Qabatay Minnesota.

SOMALI NEWS

To Top