WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Somaliland oo ka qayliyey Hawadda Soomaaliya ee laga maamuli doono Muqdisho 27 sano kadib-Video+Warbixin

Maamulka Somaliland ee Xaruntiisu Tahay Magaalada Hargaysa ayaa Sida Fiinta uga Qayliyey Horumarka Dawlada Soomaaliyeed Samaynayso Gaar ahaana Maamulka Hawada oo Dawlada Somalia lasoo Wareegtay.

Xubno ka tirsan Maamulka Somaliland oo Shir ku Qabtay Magaalada Hargaysa ayaa Muujiyey Sida ay uga Xun Yihiin in iyaga oo arkaya Dawlada Somalia la soo Wareegtay Maamulkii Hawada Somalia oo Dhan.

Maamulka Somaliland ayaa u Arka Arrintan mid Dhibaato Wayn ku ah Jiritaan Kooda iyadoo Dawlada Soomaalia Hada awood u leedahay ka War haynta Hawada Somalia oo Markii Hore Laga Xukumi Jiray Magaalada Nairobi.

Maalinta Bari ah ayaa Lagu Wadaa in Magaalada Muqdisho Lagu Qabto Xaflad Balaadhan oo lagu Shaacin Doono in Dawlada Somalia lasoo Wareegtay Maamulka Hawada Somaliya oo wixii ka Danbeeyey Sanadkii 1991 Laga Xukumayey Wadanka Kenya.

Halkan ka daawo Video

SOMALI NEWS

To Top