WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Khaatumo oo maanta Ciidamadii ugu badnaa ku wareejiyey Maamulka Somaliland iyo Sababta-Video+Warbixin

Magaalada Balicad ee Gobalka cayn waxaa maanta ciidankii ugu badnaa xubno ka socda Maamulka Khaatumo ku warejiyeen Maamulka Somaliland sida ay sheegeen Ciidankii ugu badnaa oo gaadhay tiradda 200 oo askari kuwaas oo ku sugnaa Deegaanka Balicad. .

Munaasibadda Ciidanka loogu wareejinayey waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Maamulka Khaatumo oo ay kamid ahaayeen,Wasiirka amniga Maamulka  Khaatumo Keyse Cabdi Yusuf,Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Xaaji i Cali iyo Wasiirka ku xigeenka Maaliyadda Maamulka Khaatumo Maxamed Cali Bashiir,waxaana ay sheegeen in wareejinta Ciidankan ay tahay fulinta heshiiskii Kgaatumo iyo Somaliland,qaar kamid ah,balse waxaa su,aashu tahay Somaliland maxay ka fulisey Heshiiska Cali Khaliif dhankooda?

SOMALI NEWS

To Top