WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Jabhada xoreynta SSC oo Dagaal ku qaaday Ciidanka Soomaliland ee G.Sool-Video

Laascaanod (HM) Ciidamada Jabhada Xoraynta Khaatumo ee uu Hogaamiyo Col. Faysal Faalug ayaa xalay weerar ku qaaday fadhiisinka  Ciidamada Somaliland,   gaar ahaan Saldhiga buurta Sayidka Bariga magaalada laascaanood.

Taliyaha Qaybta Booliska  Gobolka Sool ee maamulka Somaliland  Axmed Cabdullaahi Ducaale  ayaa sheegay inuu tagay Goobta ay wax ka dhaceen, islamarkaana uu soo Arkay Rasaas ka dhacday Saddex Qori, Wuxuuna xusay inaanu jirin khasaare soo gaadhay  Ciidamada,   Balse wuxuu xusay in lasoo qabtay dadka Arintaasi lagu Tuhmayo,

“Magaalada Laascaanood waxba kama dhicin Gudaheeda,  Xerada Milatariga ayaya hayd,  hadana wax dhibaato ah ma jiraan, Waxaana jira dad Tuhun loo xidhay, Baadhitaan ayaana socda “.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale  Hogaamiyaha Jabhada Xoraynta Khaatumo Faysal Falaalug ayaa sheegay inay Khasaare kala duwan gaadhsiiyeen Ciidamada Somaliland, Islamarkaana ay Weerarkaasi Fuliyeen, Dhankoodana aanu soo gaadhin wax khasaare ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay Maqlayeen Hub Culus oo labada dhinac is dhaafsadeen,  waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay, Waxaana mid kamid ah dadka deegaanu uu xusay inuu arkay gaadiidka Gurmadka Caafimaadka oo qaaday dhaawacyo.

Kalshaale

SOMALI NEWS

To Top