WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gaas oo waraysi xasaasi ah bixiyey mudo kadib kana hadlay Khilaafkii isaga iyo Dowladda Federaalka ka dhaxayn jiray-Video

Garoowe ( HM ) Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Maamul Gobolkeedka Puntland, ayaa Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA uga hadlay Arimo kala duwan.

Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay Caqabadihii maamulkiisa kasoo gaadhey khilaafkii soo kala dhexgalay asaga iyo dowlada federalka ee Soomaaliya.

“Dabcan Caqabaduhu waa badan yihiin guud ahaan Soomaaliya, Waxaa la isku Qabanayaa waa danta Guud, Mararka qaar waxaa imaanaysa is maandhaaf inuu yimaado u dhexeeya Dawladda dhexe iyo maamulka “.

HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSI

Waxaa sidoo kale uu ka hadley shaqsiyada intuu ka yaqaano gudoomiyhii gobolka Banaadir, Eng Cabdiraxaamn Cumar Cismaan Yariisow oo u geeriyoodey Qarax ka dhacay gudaha xafiiskiisa.

“Cabdiraxmaan Yariisow wuxuu ahaa Shaqsiyad Noociisu ay ku yartay Soomaalida, Marka loo eego Daacadnimadiisa iyo Howlkarnimadiisa, Wuxuu ahaa Shaqsi ay ku yaraayeen Waxyaabaha Gaarka ah, Runtii Wuxuu lahaa Dabeecado ka duwan dad badan oo Soomaali ah, Alle ha u naxariisto “. Ayuu yidhi Cabdiwali Gaas.

HALKAN DHEGAYSO WARAYSIGA C.WALI GAAS
Wuxuu sidoo kale Hambalyo u diray Shacabka iyo Madaxda maamulka Puntland , kadib Sanad guuradii 21-aad ee kasoo wareegtay markii la dhisay maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top