WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Garaad Jaamac oo Beeniyey in ay is hayaan Caaqilka Beeshiisa-Video

Laascaanod (Horufadhi News)-Caaqil AxmeCabdi Gaas (Axmed Hoolif) iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maanta kasoo wada muuqda shir saxafadeed ayaa sheegay inay isku raacsan yihiin wixii danaha deegaanka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Anagu Isma hayno, wixii danta ah baan hore ugu hadlay garaadkuna sidaas buu igula socdaa”, ayuu yiri Caaqil Axmed Hoolif.

“Wararka been abuurka ah ee la leeyahay Waa is hayaan Garaadka iyo Caaqilku waa been war ramadaan baa lagu jiraaye alle ka baqa oo beenta joojiya, wixii danta Dhulbahante ah waa laga tashanayaa Garaadaduna waa isu imaanayaan dantuna meel bay isugu aruuraysaa” ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

SOMALI NEWS

To Top