WARARKA SOOMAALI

Gaas oo nabad Soomaliland ay wada gaadhaan ku xidhay Shuruud adag kana hadlay Dagaalka Sool-Akhriso

Garoowe (Horufadhi News)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ka hadlay colaada weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool haalkas oo ay mudo isku hor fadhiyaan Ciidamadda Puntland iyo Somaliland.

Cabdiweli Gaas, waxaa uu sheegay in Puntland ay dhacsan doonto dhulka gacanteeda ku jira iyo kan ka maqan, waxaa uuna cadeeyay inaysan dooneynin dhul aysan laheyn Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdiweli Gaas, waxa uu tilmaamay in dhulka uu ka socdo dagaalka yahay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan dhul ay ka taliso Puntland, sidaa aawgeed ay lamahuraan tahay inay helaan dhulka uu ka socdo dagaalka ee uu sheegay in loo daadiyay dhiiga dhalinyarada reer Puntland.

‘’Puntland waxaa u cad xaqeeda ka maqan anagu dooni meyno dhul aanu laheyn ee waxaanu dooneynaa inaanu helno kan naga maqan’’

‘’Puntland wey garaneysaa sida ay kusoo ceshan laheyd dhulka kamaqan, Soomaliland iyadaa garaneysa waxa u roon nabad iyo colaad daba dheeraata’’

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sool ay yihiin kuwo ay u muuqato dhulka ka maqan, hase yeeshee Soomaliland ay u furan tahay inay dib ugu laabato xadkeeda, sida uu hadalka ku yidhi.

Sidoo kale, Cabdiweli Gaas, ayaa shacabka ku nool Gobolka Sool ugu baaqay inay la shaqeeyan Ciidamada amaanka, si buu yidhi gacanta loogu soo dhigo dhulka Puntland ka maqan.

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa muujinaaya in maamulka Puntland ay ka go’an tahay inay awood kusoo ceshtaan Gobolka Sool oo ay aaminsan yihiin inay ka taliso Puntland.

 

SOMALI NEWS

To Top