WARARKA SOOMAALI

Daawo- Kulan looga hadlayey ka hortaga Muslim nacaybka oo ka dhacay Columbus-SAWIRO.

Kulan balaadhan oo ay iska kaashadeen hay’ada u dooda Muslimiinta Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CAIR iyo gudida xarunta weyn ee Abubakar Islamic Center oo ah Masaajid iyo goobo kale oo waxbarasho ayaa ka dhacay qaybta shirarka ee xaruntaasi, kulanka waxa ka soo qaybglay xubno ka soda bulshooyinka kale, sida Yuhuuda, Kaniisadaha, Qareeno, Dawladda hoose ee magaalada Columbus iyo xarumaha masaajidada kale ee magaalada Culimo’awdiin iyo aqoonyahano kale.

Kulanka ayaa laga lafa gurey sida ay muhiim u tahay in lala dagaalamo fekerka guracan ee laga qabo Muslimiinta ee loo yaqaano Islamicphobia , kaasoo aad u xoogaystay tan iyo intii la doortay madaxweyne Donald Trump.

Sidoo kale waxa la soo hadal qaaday weerarada ay dadyawga kale ee laga tirada badan yahay wajahayaa sida Yuhuuda oo meelo badan Xaabalahoodii la Burburiyey.

Mas’uuliyiintii shirka yimid ayaa isku raacay inay muhiim tahay in shacabka Muslimiinta ah gaar haan Soomaalidu ay ka qaybqaataan horumarka, Nabada, wada noolaashahan iyo bini’aadanimada ku dhisan is xushmeeyn iyo tixgelin heerkastaba ah, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo nabadgalyada guud ahaan dalkan Maraykanka, bulshada jahliga ka ah macnaha Muslimkana si cilmiyeysan loo fahansiiyo, kolkastana laga dheeraado wax keenaya Xagal daacin dhanka Amniga ah, sidoo kalena ay tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka Muslimka ah ee Soomaalidu ugu badan tahay ee guud ahaan Maraykanka iyo gaar ahaan gobolka OHIO oo ah gobolka lambada ee Soomaalida ugu badani ku nooshahay dalweynaha Maraykanka.

Xarumaha amaanka, Dabdamisyada, Dugsiyada waxbarashada ee heer gobol iyo cidkastoo mas’uuliyad haysa waxa lagu dhiirigeliyey inay dhawraan xuquuqda Muslimiinta, isla markaana la in Dienta Islaamku tahay nabadgelyo, saaxibtinimo iyo ilaalin nafta aadanaha oo idil.

Waxaana arimahaas sharaxay hogaamiyaasha xarunta sida Sh Horseed , halka xarunta CAIR iyo dawladda hoose oo uu ka socdey Michael Stinziano ay ku celceliyeen inay muhiim tahay in kulamada noocana la sii -wado si loo gaadho guul ah in Muslim nacaybka si cilmiyeysan loo Cidhib tiro, waxen uu kulanku ku soo xidhmay si wanaagsan oo is afgaradleh.

DAAWO SAWIRRADD…

SOMALI NEWS

To Top