WARARKA SOOMAALI

Daawo- Khaatumo oo si rasmi ah uga qaybgashay shirkii London & Wasiirad Safia Ali Caatteye, Sawiro+ Nuqulkii martiqaadka.

Wasiirku xigeenka arimaha debeda ee Khaatumo ahna kaaliyaha jaaliyadaha debeda u qaabilsan mamulka Khatumo Marwo Safiya Ali Caateyye ayaa ka mid ahayd dadkii ka qaybgalay shirweynihii amuuraha Soomaaliya looga hadlayey ee labadii maalmood ka soconayey dalka Britain xaruntiisa London, ayadoo si rasmi ah uga heshay marrqaad dawladda dalkaasi Britain.

Safiya ayaa si gooni gooni ah ula kulantay madaxda Soomaalida oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Mohamed Abdullaahi Mohamed{Farmaajo}, ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya, madax ka society caalamka iyo weliba Qaar ka mid ah maamulada dalka ee aan dagaalka kula jirin Khaatumo. Waxana ay gaadhsiisay wasiiradu shirweynaha iyo madaxda rabitaanka , masiirka iyo iskuxunka gobolada Khaatumo ee dhistay maamulkooda sanadkii 2012.

Waxana sidoo kale jirey xubno kale oo ku weheliyey kulanka Wasiirada, kuwaasoo dhamaantood xoojinayey qadiyada Khaatumo State.

DAAWO SAWIRADA IYO CASUUMAADBA….

SOMALI NEWS

To Top