WARARKA SOOMAALI

DAAWO- Gen Gaaffoow-”Isaaqa XAMAR ku mudaharaaday waa Dad aan Dadnimo lahayn-VIDEO.

Gen. Cabdullahi Gaafow Maxamuud Taliyihii Hore ee Nabad Sugida ayaa ka hadlay Banaanbax magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay  dhigeen Xubno u dhashay Beesha Isaaq, Iyagoo si Kulul uga hadlay  Dilkii dhowaan  loo gaystay Mursal Cumar Cismaan  oo ku baxay Gacanta  Darawalka Jen. Gaafow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waa wax siyaasad ka shaqaynaha  Dadka Muqdisho banaanbaxa ka dhigay,  Ninkii  dilay Ninka  waa u xidhan yahay, Waxaa la Sugayaa Aabihii, Aniga iyo Xasan R/wasaare Khayre midna waxba Nagama Qusayso Ninkaasi, Ciidanka Dawladda ayaanku Wareejinay Ninkii wax dilay, Hadii ay dilayaan iyo Hadii ay sii daynayaan, Waxaa la sugayaa Aabihii.”

Isagoo Hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay “Kuwa Siyaasiyiin ah ayaa doonaya inay ka Faa’iidaystaan, Waxay u taalaa Reerka dhalay,   Qisaasta Ninkii dhalay Wiilka dhinta ayaa leh, Gacanta ayaaana Dawladdu ugu Haysaa, Hadii ay Dawladnimo tahay waanu Marnay, Hadii ay Dhaqn Soomaaliyeed tahayna waanu Marnay, Dadka banaanbaxa dhigay waa Dad aan Dadnimo lahayn Ayuu yidhi…..

SOMALI NEWS

To Top