WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho Jaamacadda City iyo Mahadka Heritage oo qabtay Shir muhiim ah-Video+Sawiro

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Jaamacadda City Prof. Abdilahi A. Bariise ayaa soo xidhay Shirka Madasha Kobcinta Mugga Aqooneed iyo Xirfadeed ee Dadka Soomaliyeed oo mudo laba maalin ah ka socday Magaalada Muqdisho, isla markaana ay soo wada agaasimeen Jaamacadda City iyo Mahadka Cilmi Baadhista ee Heritage.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madasha mudada labada Maalmood ee ay socotay ayaa waxaa diirada lagu saaray guud ahaan xaaladaha Nololeed ee kala du duwan ee bulshada Soomaalida Caqabadaha haysta iyo Horumarada kala duwan, si gaara waxaa diirada loo saaray arrimaha Caafimaadka, kor u qaadista iyo tayeynta Waxbarashada dalka, Biyaha , Shaqo abuurka dhalinyarada siiba arrimaha Beeraha iyo Farsamada gacanta, Tageerista Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ka qaadan karto arrimahan.

SOMALI NEWS

To Top