WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hooyada dhashay Caasho ilyaas oo Gaalkacayo lagu Kufsaday kadibna la dilay oo weli Cadaalad raadinaysa-Video

Wardheer (HM)-Saynab Cabdiwahaab Aadan oo ah hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas gabadhii yareyd ee dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalada Gaalkacyo ayaa mar kale dalbatay in ay caddaalad helaan.

Saynab oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo(dowlad degaanka Soomaalida) ayaa sheegtay in qoyskeedu ka soo qaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogta islamarkaana ay u baqday carruurta inteedi kale.

HALKAN KA DAAWO WARAYSI

Sidoo kale hooyo Saynab ayaa mar kale ku celisay in ay caddaalad u helaan kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Puntland loogu geystay gabdhoodii saqiirka ahayd.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmay xilli weli xukuumadda Puntland aysan cadaaladda horkeenin dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isho oo si weyn u gilgilay quluubta bulshada Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top