WARARKA SOOMAALI

Daawo:-isimadda dhaqanka SSC oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, go‘aanadda ka soo baxay-Video

Buuhoodle (Horufadhi News)-Qaar kamid ah Madaxda dhaqanka ee Gobolada SSC oo kulan yeeshay ayaa ka hadlay dagaalka ka taagan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool isla markaana u dhaxeeya Maamuladda Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garaad Saleebaan Buraalle iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali ayaa sheegay inaysan   Wax shaqo ah ku lahayn Somaliland, waxayna sheegeen inay wax ka dhiseen dadka deegaanku Puntland, Iyagoo nasiib daro ku tilmaamay dagaalka, kuna eedeeyay Somaliland inay wado Cabudhin, Waxaana sidoo kale Khadka Taleefanka shirka uga qayb galay Garaad saleebaan Garaad Maxamed iyo Boqor C.laahi Axmed Cali.

Hadalkan Madaxda dhaqanka ee Gobaladda SSC ayaa imaanaya iyadoo Xalaada Gobalka Sool ay marayso halkii ugu adkayd ,isla markaana ay Somaliland iyo Puntland ku hardamayaan qabsashada Magaalada iyadoo Puntland ay ku goodinayso in aysan Dagaalka Joojin doonin inta Sool ay gacanta ugu jirto Somaliland,halka Somaliland ay sheegayso in Shacabka Reer Sool aysan cid haysane Puntland duulaan ku tahay dhul aysan lahayn.

SOMALI NEWS

To Top