WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Iran oo Taliye cusub deg deg u magacowday & xaalada Gobolka oo qarka u saaran dagaal lagu hoobto-Video

Muqdisho (HM)-Hogaamiyaha sarre ee Iiraan ayaa magacaabay taliyaha cusub ee ciidamadda xulka ah ee waddankaas kadib dilkii Jeneraal Qassem Soleimani, oo ku dhintay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Ciraaq.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku xigeenkii Soleimani oo lagu magacaabo Esmail Ghaani u xushay jagadda taliyaha guud.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Ali Khamenei ayaa lagu sheegay in geerida Soleimani “aysan u dhutin doonin Iiraan”.

HALKAN KA DAAWO XOGTA

Guutada ciidamadda xulka ah ee Iiraan oo loo yaqaano Quds Force ayaa hagi jiray siyaasadda xukuumadda Tehran ee Bariga Dhexe.

Qassem Soleimani ayaa lagu waramayaa in uu ahaa shaqsiga labaad ee ugu awooda badan hogaanka kacaanka Iiraan.

Ghaani ayaa noqday taliye ku xigeenka sanadkii 1997-dii, xilligaas oo Soleimani qudhiisa laga dhigay Jeneraalka ugu sareeya.

2017-kii, Ghaani ayaa yiri “Donald Trump wuxuu khatar ku yahay waxyeeladda ay Iiraan dooneyso in ay u geysato Ameerika…waan aasney kuwa badan sida Trump, waan garaneynaa sidda loola dagaalamo Ameerika”.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top