WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Caarre oo heshiis la galay Soomaliland & xog ku saabsan Baasaboor looga sameeyay Garoowe, Wararkii ugu dambeeyay.

Ceerigaabo ( HM) Kornayl Caarre oo Hogaaminayay  Jabhadii Mudooyinkiii dambe ku sugnayd  Gobolka Sanaag, ee kasoo Horjeeda   ayaa lagu wadaa inuu soo gaadho Magaalada Ceerigaabo , Kadib markii ay Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo dhex-dhexaadin ka dhexwadeen Mudooyinkii dambe  Kornayl Caarre iyo Jabhadiisa.

Ciidamada jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caarre ayaa a Ku hoyanaya degaanka Karin oo u dhow Ceerigaabo, waxaana lagu wadaa in Saakaba soo dhaweyn loogu sameeyo Gudaha Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in korneylka Baasaboorka Soomaaliya looga sameeyay Magaalada Garowe islamarkaana laga yaabo inuu u baxo dalka dibaddiisa, Halka  Ciidamada korneyl Caarre la sheegay in qaarkood dib loogu celiyay Ciidanka Somaliland halka kuwo kalena ay wali Odayaasha degaanka ka shaqeynayaan Arintooda.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu guul daraysatay in heshiis la dhexdhigo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Jabhada Dulmidiid Col. Caare oo horey uga mid ahaan Jiray Ciidamada Somaliland.

Sawirkan hoose waa Hoggaanka ciidanka Somaliland Gaashaanle Dhexe Siciid Suudi Cabdi iyo Korneyl Caarre oo ku wada sugan duleedka Ceerigaabo.

SOMALI NEWS

To Top