WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hooyadda dhashay Wiilashii Magaalada London lagu dilay oo ka hadashay arrimo Muruggo badan iyo sida wax u dhaceen-Video

Labo Dhalinyaro Soomaali ah ayaalagu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo dilkooda loo adeegsaday Tooreey, Iyadoona Wiilasha la dilay da’dooda lagu qiyaasay 18-20 jir, waxaana Ciidamada oo gaaray goobta dilka ka dhacay ay wadaan baadhitaano ku saabsan dilkan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Lama oga sababta ka dambeysay dilkan, waxaana jira wiil kale oo ku dhaawacmay dhacdada lagu tooreeyay dhalinyaradan, Waxaana ka hadlay Waalidiinta dhalay Caruurtaasi.

Afar bil ka hor ayaa la dilay wiil la dhashay mid ka mid ah wiilashii xalay la dilay, waxaana dilalkan uu qeyb ka noqonayaa dilal muddooyinkii u dambeeyay loo geysanayo dhalinyaro Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top