WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hadalkii Dowladda Somalia ay ku diiday Heshiiska Dekedda Berbera,sida hadalkaas looga arkay Somaliland iyo Ra’iisul Khayre oo-Video+Warbixin

Kadib hadalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu uga hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul Wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre  ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka dowladda uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci darro ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska Dekeda Berbera.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo xadgudba dalka ay la tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin.

SOMALI NEWS

To Top