WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gudoomiyaha Burtile Maamulka Garoowe“Reer Buuhoodle Xaaladda way ka badbadinayaan ee Xanuunkoodu wax weyn maaha!,,..

Tan iyo Markii uu Buuhoodle iyo guud ahaan deegaanada Maamulka Khaatumo ka dilaacay Xanuunka Halista badan ee shuban Biyoodka iyo abaaraha iyo Gaajada is wata waxaa Dadaal badan oo hagar la,aaneed waday Warbaahinta Khaatumo iyo Maamulka oo gacmaha is haysta isla markaana cod dheer iyo mid gaabanba adduunka ku gaadhsiinayay dhibta taalla Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran taas oo keentay in Beesha Caalamka iyo Hay,daha Caalamiga ah ay il gaar ah kusoo eegaan xaaladda Buuhoodle.

Nasiib daro dadaalka iyo Gurmadka Beesha Caalamka iyo Maamulka iyo Warbaahinta Reer Khaatumo wadaan waxaa barbar socday Canjarafayn iyo Hagar daamooyin dabino xaasinimo iyo Cadownimo oo ay maleegayaan Maamulka Garoowe ee Puntland oo aan u kala hadhin awood ahaan sidii ay u hor istaagi lahaayeen isla markana indhaha Beesha Caalamka iyo Adduunka uga daahi lahaayeen dhibka ka taagan Buuhoodle.

Cabdiweli Gaas oo adeegsanaya Horgalo iyo Caado qatayaal ka fakaraya maalin dagaalkooda oo uu ugu horeeyo Baabul Camey iyo wixii lamid ah ee Damiirkoodii Dadnimo dhintay ayaa Hormuud ka ah sidii Buuhoodle looga qarin lahaa Indhaha Caalamka iyo Samafakayaasha adduunka.

Sida idiinka muuqata Qoraalka hoose ee Horufadhimedia helay waaa Gudoomiyaha Degmada Burtinle ee Maamulka Garoowe ee Puntland Ninka lagu magacaabo Liibaan Xirsi Khaliif oo ka hadlayay Xaaladda deegaanka uu Gudoomiyaha ka yahay iyo Xaaladda Buuhoodle ayuu sida idiin muuqata ku baahiyay bartiisa Facabook isaga oo leh““Burtinle shuban Biyoodka dadka uu Soo ritay wuxuu marayaa bishan april kaliya 119 qof.
Buhoodle oo saxaafada ay buunbuuninaysona 29 qof baa hadda xaqiiqda la hayaa marka is bar dhig labadaa Degmo,, tani maaha wax cusub oo maanta aad loo qaadaa dhigi karo iyo odhaah laga naxo toona sababta oo ah waa cadaawadii foolxumada iyo Naceybka ee Maamulka Majeerteen waligiiba lagu yaqaanay!.

SOMALI NEWS

To Top