WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta Go’aamo soo saaray

Fadhigii 73aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxaa uu ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference)

Golaha Wasiirada ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay labada guddi-hoosaad ee Golaha Wasiirrada ee kala ah guddida abaaraha iyo guddida Covid 19, waxaana la isla gartay in dhibaatooyinka Covid 19, abaarta iyo biyo yaraanta lagaga  bixi karo midnimo iyo wada-jir.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland ugu dambeyn waxaa ay u duceeyen intii ku dhimatay Xanuunka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay Somalia, iyagona Alle caafimaad taama uga baryay inta la xanuusan Cudurka.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Golaha Wasiirada Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top