WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo ka qeyb gashay Shirka IMF iyo World Bank

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta aaladda fogaan arragga uga qeyb galay Shirka Sanad laha ah ee IMF iyo World Bank oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Carabta, kaasi oo socon doona muddo Todobaad ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa si gaar ah shir ula yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim.

Dadaalladii mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay waxa ay fureen Albaabada caalamka iyo garab istaagga Soomaaliya

Riix halkaan si aa u Daawato Muuqaalka Wasiir C/raxmaan Beyle.

SOMALI NEWS

To Top