WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Fursadii Soomaliland ka raadisay Khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya-Video

Laascaanood ( HM) Waxaa mudooyinkiii dambe Meel adag gaadhay Xiisada u dhaxaysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya, Iyadoona Kenya ay Qaadatay Tallaabooyin ay Cadaadis ku saarayso soomaaliya, Balse DF Soomaaliya ayaan dheg jalaq u siinin, waxayna dhankeeda Bilowday Jawaabo degan oo ku fadhiyda Diblumaasiyad xeel dheer.
Dhinaca kale Somaliland oo doonaysa inay ka Faa’iidaysato Khilaafka labada dhinac ayaa Wafdi u dirtay Magaalada Nairobi, Waxayna sidoo kale halkaasi kula kulmene Xubno kamid ah Mucaaridka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxay ka wada hadleen inay Khalkhal gelinayaan Hannaanka Dawladnimo ee Soomaaliya sida uu ku Waramay Faysal Cali Waraabe, Iyadoo Somaliland ay Qaybteeda ka Qaadan doonto.

Dhinaca kale C.raxmaan Cabdishakuur Wax war ah dhankiisa kama soo saarin Kulanka uu la yeeshay Xubnaha ka socday Somaliland.

“Cadowgaaga Cadowgiisu waa Saaxiibkaa Ayuu Yidhi Faysal Cali Waraabe, Isagoo ku Shaambadeeyay inuu C.raxmaan C.shakuur yahay Cadowga Soomaaliya, Xili uu doonayo Cabdiraxmaan inuu Madaxwayne ka Noqdo Soomaaliya”

SOMALI NEWS

To Top