WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Faysal Cali Waraabe oo sheegay haddii Puntland joojin wayso Dagaalka in Seeftii Cumar Bin Khadaab qaadi doonto-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Soomaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay colaado uu sheegay in dhinacyo badan ay Somaliland uga furan yihiin.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tusaale usoo qaatay culeysyo ka jira deegaanka Ceel-Afweyn iyo dagaalka Tukaraq ee weli ka socda Gobolka Sool.

Sidoo kaleFaysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in xanuunka ugu badan uu kaga imaanayo dhanka Tukaraq waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland laga qasaayo magaalada Garoowe ee Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Garoowe ay saldhig u tahay dhibaato, waxa uuna cadeeyay in tan iyo markii ay isku darsameen Somalia ay sidaa dhibaato u shidi jirtay Puntland.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi‘’Waxa na qasaaya waa Garoowe, waxa ay kasoo jeesteen Somalia oo 5 Madaxweyne ay u sameeyen oo xabaashii ay ku rideen ayey usoo jeesteen Somaliland’’

‘’Puntland kuma ekaan doonto Tukaraq ee ilaa Kismaayo ayey is qabsan doontaa sidii Sagaashanka, anaga culimadeena wey na waaninayaan oo waxa ay naleeyihiin jooga, culimada Puntland waxa ay hubka u cabeynayaan ciidanka’’

‘’Anagu waan ehbineynaa Puntland waxaanu leenahay naga jooga, haddii ay diidaan waxaan qaadsiineynaa  seeftii cumar binu khadaab waxaanu tageynaa Garoowe’’.

 

SOMALI NEWS

To Top