WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Faratoon oo ku haftay Su,aallo ku saabsan in wasaaradda Sacad Cali Shire la maamulo-Video

Laascaanood (HM)-Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Soomaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta waraysi siinayey Tv-ga Universal ayaa waxaa uu u muuqday mid ka jawaabaya Warbixintii Horufadhi News ka qortay dhawaan isla markaana ay xanuujisay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

In kasta oo Warbixinta iyo Baadhitaanka ay samaysay Warbaahinta HM aysan si toosa ugu abaarin xanuunka Faratoon hadana waxaan diirada ku saarnay in uu shaqadiisa la wareegay isla markaana ku sime ahaan Muuse Biixi wasaarada ugu magacaabay Sacad Cali Shire, warbixintana inta badan arrimahaas ayaan diirada ku saarnay balse waxaa jiray war uu qoray Wargeyska Geeska Afrika oo ku saabsan isla warkan oo uu kusoo hadal qaaday in Faratoon uu arrimo Caafimaad dibadda ugu maqan yahay.

Akhriso Warbixinta Horufadhi News ka diyaarisay 24kii  August .

 

Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu mar kale Wasiirka maaliyadda maamulka Hargeysa Dr. Sacad Cali Shire u xilsaaray inuu ku sime masuul ahaan uga sii noqdo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga ee Soomaliland.

ka dib markii uu wasiirkii arrimaha Debedda  maamlka Soomaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu  muddooyinkii u dambeeyay hawlo gaar ah ugu maqnaa dalka dibadiisa sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Soomaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Sacad Cali Shire uu wasaarada arrimaha dibadda u sii ahaan doono ku sime, laakiin warar soo baxaya ayaa  sheegaya in Sacad Cali Shire uu maalmaha qaar wasaaradda fadhiisan doono taasoo keentay tuhunkan weyn iyadoo ay jiraan agaasime wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal kale oo wasaarada ah!.

Bishii lasoo dhaafay ee Julay 28keedii ayey ahayd markii la arkay Sacad Cali Shire oo Madaxweynaha Soomaliland kala qayb galaya  kulan uu la yeeshay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan oo socdaal ku yimid Hargeysa ,waxaana kulan wadajir ah Hargeysa ku qabtay Wasiir Sacad iyo James Swan iyadoo aan la arag Wasiir Faratoon.

Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa soo baxay su’aalo la iska weydiiyay doorka Wasiir Sacad ee arrimaha dibadda arrimaha dibada Soomaliland madaama Wasaaradan ay leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime
guud, waxaana xusid mudan in Wasiir-xigeenku uu danjire James Swan
maalintaas soo dhaweeyay, kana qayb galay kulanka madaxtooyada, balse
aanu haddana la qaban kulankii saxaafadda loogu tallo galay!.

Bishii June waxa la ogaaday in Muuse Biixi uu ku sime ahaan ugu asteeyay wasaaradda qorshaynta oo uu wasiirkeedii Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, iyadoo ay wasaarada qorshayntu leedahay
wasiir-xigeen iyo agaasime guud. Wargeyska Geeska Afrika oo kamid ah warbaahinta arrintan daba gashay ee Soomaaliland ayaa wuxuu la xidhiidhay Wasiirka arrimaha
dibadda Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, oo uu weydiiyay
jiritaanka warkan, waxaanu si kooban u yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka
maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran,, taasoo aan la fahmin wax uu uga jeeday wuxuuna ka gaabsaday dhamaan su,aalihii kale ee uu Wargeysku wadiiyey ee khuseeyay arrintan.

Dhanka kale Wargeyska Geeska Africa oo damcay inuu wax ka waydiiyo arrintan Sacad Cali Shir ayaanay u suurtogelin.

Intaas kadib Baadhitaan iyo dabagal ay samaysay warbaahinta Horufadhi News ayaa waxaa ku ogaanay in Muuse Biixi uu doonayo inuu xilalka muhiimka ah ee Maamulkiisa uu ku uruuriyo tiro kooban oo xubnaha Beeshiisa ah iyo kuwa uu u arkay in ay daacad u yihiin oo uu aaminsan yahay sidoo kalana waxaa jira Wasaarado kale oo uu Biixi doonayo inuu ka dhigo wasiiradoodan Waraabe taag howl gab ah shaqadana ay soo faragashadaan xubno ay isku dhow yihiin sida Sacad Cali Shir iyo Maxamed Kaahin.

Wasiir Faratoon ayaa hada waxaa uu ku sugan yahay Hargeysa isaga oo dibadda kasoo laabtay waxaana aragatay Horufadhi Newsn isaga oo shir kaga qayb galaya maanta Hotel Maansoor ee Hargeysa ,sidoo kale ilaa hada Faratoon kama hadal arrintan Warbaahinta Soomaliland isla dhex marayso.

Ilaa markii Faratoon loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Soomaliland waxaa soo baxayey warar sheegaya in booskan uu yahay mid uusan Muuse Biixi ku halayn doonin Faratoon waxaana ay arrinta hada la isla dhexmarayaa si cad daaha uga rogaysaa tuhnadi la qabay,,.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Soomaliland ayaa warkaas marna been ku tilmaamay marna run ku sheegay taasoo u muuqata sida uu xaqiiqada Faratoon daaha u saarayo sababtoo ah isaga oo ka jawaabaya in uu Sacad Cali Shire shaqadiisa la wareegay isla markaana uu Madaxweyne Biixi ku sime ahaan uga dhigay wasaarada isla markaana uu xafiiska fadhiisto ayuu yidhi“Waa been warkaas waana wax la abuurayo, dalka aniga inta badan waxaan uga maqnahay dibadda sidii aan wasaarada u imidna inta aan banaanka ku maqnahay iyo inta aan dalka joogo waxaa badan inta aan dibadda ku maqnahay, markaa Sacad Cali Shire haduu shaqadii sii qabto oo Dad la kulmo , waxaan aamisanahay inuu ahaa Ninkii ugu aqoonta badnaa wax badana kasoo shaqeeyay, haduu dad magacayga kula sii kulmo waxba uma arko,, ayuu yidhi Faraton uu u muuqda mid iska fogaynaya inuu Sacad Cali Shire kusime ahaan Wasaarada uga shaqa galo, hase ahaatee waxaa halkaas ka muuqda in xogtaan soo tabinay iyo warbixintu ay run tahay Sacad Cali Shirena ka howl galay Wasaaradda arrimaha dibadda oo Faratoon Wasiir ka yahay agaasime ku xigeen iyo agaasimayaal buuxa oo haduu maqan yahay sharci ahaan shaqadan sii qabsan lahaana ay jiraan.

Horufadhi News

 

 

 

SOMALI NEWS

To Top