WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo gacan ka taagatay in ay Al-shabaab kala dirirto dhaqaalaha Muqdisho!!

Muqdisho (HM)-Wasiirka Maaliyada xukuumadda federaalka ah ayaa waxa uu si cad u qiray in dowladdu aysan hayn awood ay uga hortagto dakhliga AlShabaab ka hesho Muqdisho, sida uu kasoo xigtay Washington Post.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida oo malaayiin dollar uu sanadkii uga soo xaroodo caasimada ayaa canshuur ka qaadata dhamaan ilaha ay dhaqalaaha ka hesho dowladda Soomaaliya; dekada iyo canshuuraha gaadiidka.

“Waa xaalad cabsi ah,” ayuu yiri Bayle isaga oo ku sugan dalka Japan, wuxuuna ku daray “Ma hayno awood aan kula wajahano arrintaasi. Waana mid kamid ah dhibaatooyinka ka jira waddankan.

Xogo muhiim ah oo la helay ayaa daaha ka rogaya in AlShabaab ay cabsi gelin iyo dil ugu hanjabto ganacsatada ay lacagaha ka qaadeyso, kuwaasi oo loogu yeero degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Dhibaatada waa mid hal nooc ah. AlShabaab waa Soomaaliya sida aniga ama qof kale. Iyagu waxay eg-yihiin sida aniga, meel walba ayey joogaan, waana ay naga mid yihiin,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Warbixinadda ayaa muujinaya in xubnaha lacagta baada ah u uruuriya argagixisada ay six or ah ugu dhex-socdaan magaalada ayna tegaan xarumaha ay ka doonayaan wax ay ula baxeen “Zakawaadka iyo Canshuurta”.

Shaacinta Bayle oo dharbaaxo ku noqoneyso Villa Soomaaliya ayaa niyad-jab ku abuuraysa ganacsatada rajada ka qabtay in ay garab ka helaan dowladda kuwaasi oo isku dayey in ay Shabaab u diidaan lacagta.

AlShabaab oo u muuqata in ay dowlad kale ka dhex-sameysatay Soomaaliya ayaa lacagaha ku hesha qaab telefoon ah iyo mid cadaan ah, waxayna u adeegsataa ku iibsashada hubka, saanada iyo ku dhiirogelinta xubnaheeda.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN HORE

SOMALI NEWS

To Top