WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarinta beeraha kala saxiixday-Video

Munaasabadan oo ku saabsaneyd mid Mashaariic horumarineed ay ku kala saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA ayaa ujeedada tahay wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni iyo keydka Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan sidoo kale uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed ay ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka wax soo saarka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga Soomaaliya olgan Baker oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.

Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar). Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Wuxuu Sheegay ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faa’idi doono Biyo Xireenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

1- In Wax soo saarka dalka Kordho lana yareeyo Cunada yarida iyo Gaajada.
2- Helitaanka Biyo joogta ah Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faa’idaya ha noqoto.
3- in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabi’inaya Beerihii dalagii,gurihii u gudbaya baa’i’inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
4- dhaqaalihii baa korayaa marka ay beeraha soo go’aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.

5- Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta wax soo saarka dalkeeena.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top