WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo diiday Go’aano kasoo baxay Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qaar kamid ah Go’aamadii kasoo baxay Shirkii maalmo kahor Golaha Amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ka yeesheen xaaladda Cakiran ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo Goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay siweyn uga soo horjeedo Go’aankii Midowga Afrika uga hor yimideen muddo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe in dowladda Federaalka ay ka hortimid Go’aan kale oo kasoo baxay Shirkii Midowga Afrika ee ahaa in Ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya looga baahan inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Ciidanka dowladda Federaalka, wxuuuna caddeeyay Dubbe in Go’aankaas uu yahay mid niyad jeb ku ah Ciidanka dowladda.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir Dubbe.

SOMALI NEWS

To Top