WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo Amar kasoo saartay xirnaashaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa shegay in aysan aqbali doonin in amar kale lagu xiro goobaha ganacsigga ee ku yaallo Suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shegay in aysan cidna xiri karin goob ganacsi marka laga reebo in ay u xirto amar kasoo baxay oo kaliya Dowladda, waxa uu shegay in Ciddii amar kasoo baxo Kooda daacish u xirto ganacsigeeda ay iyagga la shaqeeyso.

Waxa uu shegay in ay sameeyeen Goobo boolis oo badan kuwaa oo ujeedka ay u sameyeen uu yahay in ay ku ilaalinayaa ganacsatadda Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, isagoona shegay in cidii wax tabaneeyso ay la xiriirto Booliska.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan ayaa ugu danbeeyntii sheegay in ay tahay xaalada Suuqa mid caadi ah oo ay shaqeynayaan Goobaha ganacsiga sidii uu horay ugu shaqeeyn jireen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xirnaa qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana sababta loo xiray Suuqa lagu sheegay inay tahay lacago ay Kooxda Daacish ku rogtay Ganacsatada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO:-Dowladda oo Amar kasoo saartay xirnaashaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho
To Top