WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Taliye Ciidan oo lagu Qarxiyey Muqdisho iyo khasaaro jira

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhaliyey oo Maanta oo sabti ah ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan meel ku dhow agagaarka Masaajidka Turkiga ee ku yaalla Waaxda Jamhuuriyo ee degmadaas.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Taliyaha Saldhiga Kaaraan Salaad Caraale, isla markaana waxaa uu qaraxu gaariga Taliyaha iyo Ciidankii la socday uu ku qabsaday Waaxda Jamhuuriyo.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Askarta ilaalada u aheyd Taliyaha Saldhiga degmadiisa iyo dad shacab ah oo waxyeelada kasoo gaartay qaraxii Maanta.

Guddoomniye Abshir ayaa xaqiijiyay in afar Askari uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa iyo qof shacab ah, uuna qaraxaas ka badbaaday Taliye Caraale oo uu Caafimaad qabo, waxaana uu sheegay in Askarta iyo qofka lagu dabiibayo Isbitaalo.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinikii dambe ka dhacayay qaraxyo dhaliyey khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed iyo dilal qorsheysan oo geysanayeen rag Bastoolado ku hubeysan, waxaana falalkaas sheegtaa Al-shabaab.

 

Wararkii ugu dambeeyay Taliye Ciidan oo lagu Qarxiyey Muqdisho iyo khasaaro jira
To Top