WARARKA SOOMAALI

Guddiyada Doorashada Galmudug iyo Somaliland oo shaaciyay Jadwalo Doorasho

Guddiyada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwa Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashooyinka kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyay qabashada 8 kursi oo Golaha Shacabka oo diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraastaas u tartamaya bilaabaneyso 1 bisha soo socota ee Febraayo 2022, halka doorashada kuraasta la qabanayo 2-da bishaan.

Sidoo kale Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay qabashada doorashada 5 kursi oo Golaha Shacabka ah oo maalmaha soo socda doorashadoodu ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga ayaa diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee lasoo saaray la bilaabaya 2 bisha soo socota ee Febraayo 2022, isla markaana doorashada la qaban doono 3 Febraayo, taasi oo ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Galmudug.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Gobolada Waqooyi.

 

 

Guddiyada Doorashada Galmudug iyo Somaliland oo shaaciyay Jadwalo Doorasho
To Top