WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadii Soomaliland ee ku sugnaa Degmadda Taleex oo u Biiray Ciidamadda Puntland-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Ciidamadii Booliska Somaliland ee degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa ka goostay Somaliland, Iyagoo ku Biiray Ciidamada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaana ciidamada soo dhoweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr. Faarax Maxamed Warsame iyo Gudoomiyaha Maxamuud Jaamac Shaacuur, Waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay Qaar kamid ah Ciidamada.

Ciidamaddan ku biiray Puntland ee ku sugnaa Degmadda Taleex ee Gobalka Sool ayaa kusoo beegmaya xili xiisada Colaadeed ee Maamuladda Puntland iyo Somaliland ay meel xun marayso isla markaana mar kasta la filan karo Dagaal ka dhex qarxa labada dhinac ee Jiida isku hor fadhiya.

 

SOMALI NEWS

To Top