WARARKA SOOMAALI

Deni oo shaaciyey heshiiska ay wada gaadheen Koonfur Galbeed-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa khudbad uu ka jeediyay xaflada soo dhoweynta ayaa sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska, iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan u baahanahay in nidaamyada sugida amniga, fulinta sharciga, dhisida kaabayaasha dowladda in la iska kaashado, Puntland waxay ku dhaanto Koofur Galbeed inay ku taageerto haddii ay ahaan laheyd shuruuc, tababar, taakuleyn inay gacan ka geysato sidii Koofur Galbeed cagaheeda ugu istaagi laheyd”ayuu yidhi Madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa uu sheegay in labada maamul ay wadaagaan xidhiidh ganacsi oo dhow, isagoo xusay in dadka reer Koofur Galbeed ay ganacsi ballaaran ku leeyihiin Puntland, gaar ahaan Boosaaso, waxaa uu tusaale u soo qaatay in Wasiirka Waxbarashada Koofur Galbeed uu ku dhashay Boosaaso.

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koofur Glabeed soo dhoweynta wanaagsan ee wafdigiisa loo sameeyay, sidoo kalena waxaa uu ku boggaadiyay kaalinta uu ka qaatay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho oo door wax ku ool ah ku lahaa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top