WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Kenya iyo Soomaaliya oo ku dagaalamay Gobolka Gedo.

Muqdisho (HM)-Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanada xadka ay wadagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.Wararka ka imaanaya gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baledxaawo, ayaa sheegaya in saaka halkaas uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya.Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii Ciidamadda Kenya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku banaan baxayey halkaasi.Xiisada ayaa maalmahan halkaasi ka taagneyd kadib markii ay cadho ay ka dhalatay muuqaalo baraha bulshada lasoo galiyey Ciidamada Kenya oo si arxan daro ah u dilaya dad shacab ah.Lama oga khasaaraha kala gaadhay Ciidamada saaka iska hor imaadku dhexmaray.

Horufadhi News


SOMALI NEWS

To Top