Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka careesan ciidamadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari arbacadii kula wareegay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu la mid yahay isagoo laayay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Bacdamaa uu xusay in Ciidan hubeysan uu gudaha ula galay lana wareegay xarunta Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay Jeesow in habdhaqankaasi uu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka aan looga hari doonin, waxa uuna cadeeyay Dacwad arintaasi ka dhan ah in ay u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in falkii uu dhawaan sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in aysan sameyn xitaa Hogaamiyo kooxeedyadii dalka xooga ku heestay aadna u hubeesnaa.
” Gudoomiye Jawaari aan ku ogeyn xilkasnimo iyo odaynimo falkii uu sameeyay waxa ay aheyd mid laga xumaado, sida uu Arbacadii Jawaari u dhaqmay xitaa uma aysan dhaqmin Hogaamiyo kooxeedyadii xili maamuli jiray Muqdisho” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arbacii xarunta Baarlamaanka xoog kula galay Ciidamo badan oo aad u hubeesan, waxaana falkaasi uu sabab u noqday in uu baaqdo kulankii Baarlamaanka yeelan lahaayeen.