WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Oradyahanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Bille Cabdi oo sanado badan kadib kusoo laabtay Xamar iyo soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn-Video

Waxaa Habaynkii xalay Aqalka dowlada hoose Xamar lagu soo dhaweynay orodyahankii caanka ahaay ee Soomaaliyed Cabdi Bile Cabdi oo ahaay Somaligii ugu horeeyay ee ku guulaysta oradka aduunka ee 1500 mitir oo ka dhacay magaalada Rooma dalka Italiya sanadkii 1987 kuna guulaystay bilada dahabka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa madasha Hadalo kala duwan kasoo jeediyey Xildhibaano, Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliya kuwaasi oo dhamaantood sheegay inay siwyan ugu Faraxsan yihiin Inuu Muqdisho yimaado Cabdi Bile Cabdi.

Cabdi Bile Cabdi ayaa dhankiisa siwayn uga mahad celiyey Soo dhowaynta loo sameeyay, Wuxuuna ka hadlay Sida uu dalku inooga sugayo in la gaadhsiiyo magaciisa meel dheer.

SOMALI NEWS

To Top