WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidankii imaaraadku tababaray oo Dal kale lagu wareejinayo,Waa Dalkee-Video

Ciidankii Imaaraadka ay tababareen ayaa la sheegay in la qorsheynayo in lagu wareejiyo dowladda Mareykanka oo bixin doonta qarashaadka iyo daryeelida ciidamadaasi.

Warbixino dhinacyo kala duwan ka soo baxaya ayaa sheegaya in qorshaha ciidamadan loogu wareejinayo dowlada Maraykanka uu marayo meel wanaagsan.

Saraakiil ka tirsan ciidamadan waxa ay sheegeen in dhawr mar ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Somaliya, iyadoo laga wada hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee ciidankaan loogu wareejin karo Mareykanka.

Kulan maanta lagu wado inuu ka dhaco Xerada Jeneral Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isku soo hor fariisan doona Saraakiisha sare ee ciidankii Imaaraadka ay tababareen oo hadda loo bixiyay guutada Daljir, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ee wada qorshaha la wareegista ciidamadan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowladda Somaliya waxa ay soo jeedisay iyadoo laga faa’iideysanaayo tababarka iyo tayada ciidamadan in loo helo dowlad bixisa mushaarkooda, maadaama Somaliya hadda aysan ku filneyn bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan maadaama inta badan mushaarka ciidanka waxaa bixiya dowlado shisheeye.

Dowlada Maraykanka ayaa gacanta ku haysa ciidamo ku jira saldhigga ciidamada Balli-Doogle ee gobolka Sh/hoose,hase yeeshee dhowaan ayaa saxaafada caalamka waxa ay qoreen in hub laga xaday xarunta ciidamada General Gordon lagu iibinayo suuqyada magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top