WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda difaaca Buuhoodle oo gaadhay Kalshaale, jawaab adagna siiyey Nuux Taani iyo Maamulka Hargeysa-Video+Sawiro

Buuhoodle (HM)-Saraakiil ka tirsan Ciidamada difaaca Buuhoodle oo hoggaaminayo ciidamada difaaca gobalka cayn gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta loo yaqaan ayaa saaka waxaa ay ku baxeen  deegaano dhowr ah oo ka tirsan dhanka waqooyi ee Magaalada Buuhoodle.

Ciidamadda ayaa iyaga oo u kuurgalaya xaalada amni ee deegaanada hoos yimaada Magaalada Buuhoodle waxaa ay kormeer indho indhayn ah ku tageen deegaanada Hagoogane, Sooljoogto iyo Maygaale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada ayaa intii ay kormeerka ku marayeen deegaanadan waxaa ay la kulmeen bulshada deegaanka iyaga oo kala hadlay xoojinta nabad galyada iyo difaaca deegaanka.

Ciidanka ayaa markii dambe waxaa ay shir jaraa,id ku qabteen Baliga caanka ah ee Kalshaale iyagoo halkaasi Bulshada kula hadlay isla markaana fariin kulul uga diray maamulka Soomaliland kana jawaabay hadalkii Nuux Taani.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay fariin u direen Ciidamadii dhawaan isaga baxay maamulka Hargeysa isla markana waxaa au baaq u direen kuna booriyeen kuwa deegaanada Ssc inay iyana isaga soo baxaan maamul beeledka Hargeysa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top