WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif oo ka hadlay Heshiiskii xubno ka tirsan Khaatumo iyo Somaliland oo la fulan waayay-Video

Madaxwaynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Heshiiskii uu la galay Somaliland, uu u Xaniban yahay Fulin la’aan sida uu hadalka u dhigay. “Mar waxaad leedihiin Cali Khaliif iyo Siilaanyo ayaa Heshiis galay, Wax dhamaaday ma jiraan, Heshiis waanu Galnay Balse Fulin ayay u baahanyihiin “. Ayuu yidhi Cali Khaliif.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu Fariin gaar ah u diray Reer Hargeisa, Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay Somaliland loo dhan yahay.  ” Midaynta Somaliland Kuma Xidhna Xuduudka Reer Shiikh Isxaaq,   waa in loo wada Hiiliyo Somaliland, Hadii ay daacad idinka tahay” Ayuu yidhi.

SOMALI NEWS

To Top