Hargeisa ( HM ) Iyadoo dhawaan la filayo in Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland lagu caleema saaro Madaxweynaha isagu is doortay ee maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa arrintiisa waxaa ay xiisad ka dhex abuurtay maamulka aqoonsi raadiska ah ee Soomaliland kuwaasoo markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay wafti u dirayaan Caleemka saarka Axmed Madoobe hase yeesha arrintaas waxaa ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo maamulkaas ka dhex aloosantay.
Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hor yimid Xubnaha maamulka Somaliland ee ka Qayb galaya Caleemo Saarka madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Faadumo Siciid Ibraahim Xoghayaha arimaha dibadda Xisbiga Wadani ayaa Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ku eedaysay inay Somaliland u horseedayaan Arimo Quudhsi ah oo Wax u dhimaya Jiritaanka Somaliland.
,,Arintan waxay muujinaysaa inay Somaliland tahay maamul Goboleed u tagaya maamul Kale, Waa Arin Mucjiso ah, maantana Goleyaashii wax laga sugayey inay dhahaan anagaa ka qayb galayna oo Casuumada dalbanay “ Ayay tidhi Faadumo Siciid.
waxay sidoo kale Faadumo ka hadashay Shirkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho