WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Caasha Geelle oo su kulul uga hadashay Gudigii Maamulka Siciid Deni Garoowe ku xidhay-Video

Gaalkacyo (HM ) Caasha Geelle Diiriye oo Xilal kala duwan kasoo qabatay Puntland ayaa soo dhowaysay Lacagtii uu Raysal wasaaraha SOomaaliya ku taageeray Dhismaha Garoonka Gaalkacyo.

Sidoo kale Caasha ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay Waxgaradkii Waday Dhismaha Jidka Boosaaso oo lacagtii loogu deeqay ay Xukuumadda Puntland ku xidhay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegtay inaanu wax xal ah ku jirin in shacabka la Xidho oo la Cabudhiyo, waxayna sheegtay inaysan waxkasta Xukuumaddu Qaban karin.

Dhinaca kale waxay sheegtay in magaalada Gaalkacyo ay Bulshada ku nool heegan galeen, kadib markii ay soo baxeen wararka sheegay in la gudiga Garoonka Gaalkacyo lagu raadjoogo, iyadoona Gudoomiyaha gobolka mudug uu sheegay inaan lacagtaas la celin doonin.

SOMALI NEWS

To Top