WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Buuqa iyo Muranka ka dhashay fadhigii Baarlamanka Maamulka Somaliland iyo Waji gabaxa ku dhacay Sacad Cali Shire-Video

Wasiirka arimaha debedda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa maanta Hortagay Baarlamaanka, Wuxuuna Halkaasi uga Jawaabay Su’aalo uu isagu soo Qortay oo ku saabsan Safarkii imaaraadka iyo Heshiiskii Dekedda Berbera.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa intooda badan waxay  uga soo Horjeedaan Heshiiska dekedda Berbera, Wuxuuna Wasiir Sacad halkaasi kusoo bandhigay Sidii lagu Qanci lahaa Xildhibaanada “Itoobiya Dekedda waxba kama maamuli doonto,  Waxaa maamulaysa Shirkadda DP World”.

“Heshiisku waa sharci, maaha midkii inoogu horeeyay , Dadkeenu Farmaajo may dooran, Inama Qabto Sharciga DF Somalia,  Wax cusub maaha inaynu Heshiis galno “ Ayuu yidhi.

SOMALI NEWS

To Top