WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Boorame oo Xasuuqii SNM ka gaysatay laga xusay iyo Ciidanka Soomaliland oo xidh xidhay Dhalinyaradii-Video

Boorame ( HM )-Boqolaal dhalinyaro ah ayaa mudaharaad ka dhigay Xalay magaalada Boorama, kuwaasi oo ka Cadhaysan dhalinyaro xustay Xasuuqii SNM ee Borama iyo Dila  oo xabsiga 4 ka mida ladhigay.

Dhalinyaradani xanaaqsan oo suuqyada Boorame iskugu soo baxay ayaa Booliisku rasaas ku kala caydhiyeen waxaana, siwayn magaalada looga dareemay Kacdoonkan iyadoo  laga maqlay meelo badan.

Booliiska Boorame oo ka amar qaadanaya taliyahooda  ayaa Rasaas ku caydhsaday dhalinyarada balse isla markiiba waxaa kusoo biiray shacab horleh waxayna ku dhawaaqayeen SNM hadhacdo.

Kacdoonka dhalinyarada Borama ayaa kusoo beegmayaa xili Amar lagu bixiyay in laqabto cidwalba ka qaybgalay xuskii xasuuqii SNM kagaysatay Boorame iyo deeganada ku xeeran 04/02/1991. oo si wayn usoo jiidatay indhaha Soomaalida iyo caalamkaba.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Xabaalaha Hargeysa ku yaala qaar kamid ah marxuumiinta ku aasan tobban jeer ayaa la’aasay qaarkood siddii sanad walba loo soo qufayey ee saxaafadda loogu soo bandhigayey hadanna godka loogu celinayey ujeedka laga lahaana ay tahay waa nala laayey ee nala arkaay.

Isla nidaamkaas xabaalaha soo qufayey ayaa danbi u arka kuwii ay jamhaddii SNM ay ku laysay Dila iyo Boorame in loo soo duceeyo oo la xasuusto hadda lama ba soo qufin oo lafahooddii godka lagama soo gurin keliya dhalinyaraddii ehelkoodda ahaa ayaa duco iyo xasuusin u soo sameeyey sawirana iska soo qaaday dabadeedna iyaggii baa la ugaadhsanayaa qaybtoodna la xidh xidhay.

Danbiga layga galay aan sheeg sheego kaan galayna lama soo hadal qaadi karo, waa caqliga nidaam Soomaalilaan ku shaqayso” Ayuu yidhi Maxamuud Af-dhuub oo Ka dareen Celiyey sida wax u dhaceen.

SOMALI NEWS

To Top