WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Beesha Caalamka oo War xasaasi ah kasoo yeertay Shirka Muqdisho

War-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay shirka la filayo in xeendaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhaxmaro Madaxda DF iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Beesha caalamka warka kasoo baxay ayaa lagu booriyay Hogaamiyaasha Soomaalida in si dhakhso ah u shiraan ayna sii ambo qaadaan qodobadii kasoo baxay shirkii Guddiga farsamada ku yeesheen Magaalada Baydhabo.

Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furmaya maalinta berri, isla markaana waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho

Wakiilada beesha Baalamka u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalada ay ugu jiraan isku soo dhaweynta saamileyda siyaasada Soomaaliya si dalka uga hirgasho doorasho xor iyo xalalaal ah.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Beesha Caalamka.

SOMALI NEWS

To Top