WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo saaka Ururka Al-shabaab kala wareegay 9 deegaan cusub

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah howlgal qorsheysan  kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanada kala ah Basra, Sapyo, Bahdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow iyo Buula Xansholey, kuwaasi oo dhammaantood ku teedsan Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku socday.

Deegaanka Basra oo ah degaan Istiraatiiji ah iskuna xira Gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabaallaha Dhexe, ee maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa deegaanka Basra kulahaa Saldhig wayn.

Ciidanka Dowladda oo saaka Ururka Al-shabaab kala wareegay 9 deegaan cusub
To Top