WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xasan Abgaal oo si Cad uga yimid qorshe uu wado Madaxweyne Deni

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maanta xilka wareejiyay ayaa si cad uga horyimid damaca Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu hadda ku doonayo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Wasiir Xasan Abgaal ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhici doonin doorasho qof iyo cod ah oo lagu raadinayo mudda kororsi ama sed-bursi.

Sidoo kale wuxu dhaliilay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo uu ku tilmaamay nin koox dowladda ka saaray si uu koox kale ugu soo daro.

Xasan Abgaal ayaa ku eedeeyay Juxaa in uu gef ku sameeyay isimada Puntland islamarkaana ku tilmaamay qawsaaro. Waxaase Xasan tilmaamay in isagu arrintaas ka raalli-gelinayo isimada dhaqanka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Xasan Abgaal oo si Cad uga yimid qorshe uu wado Madaxweyne Deni
To Top