WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday Dagaal Maalliyadeed

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay dagaal Maalliyadeed oo ka dhan ah, kooxaha lacagaha dhaqa iyo kuwa maalgaliya wax loogu yeero Argagixisada.

Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Xafiiska xeer Ilaaliyaha Qaranka oo kaashanaya hay’addaha baarista ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada maaliyeed ee lagu dhaqayo lacagaha, isla markaana lagu maalgelinayo Argagixisada, waa sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan Al-shabaab, isagoo tilmaamay in haddii dambigaas lagu helo laga qaadi doono tallaabooyin adag oo lagu beegsanayo dadkaas.

Xeer Ilaaliyaha ayaa digniin xooggan u diray cid kasta oo isku dayda inay Al-shabaab siiso dhaqaale, isla markaana shaaciyay inay dowladdu ku dhawaaqday dagaal maaliyaddeed, “Sharciga ayaan horkeenaynaa cid kasta oo falalka digniinta lasoo saaray lagu heyo”

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday Dagaal Maalliyadeed
To Top