WARARKA SOOMAALI

Ciidanka ATMIS oo weerar ku qaaday deegaan ay gacanta ku hayaan Al-shabaab

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Burundi ayaa xalay weerar loo adeegsaday Madaafiic ku garaacay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay gudaha xaafaddo ka tirsan Ceelbaraf oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda.

Khasaaro ayaa lasoo weriyay inuu ka dhashay weerarka Ciidanka ATMIS ku qaadeen Ceelbaraf oo gaaray qaar kamid ah dadka, in kastoo aan rasmi ah loo ogeyn khasaaraha gaaray shacabka.

Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday horaantii bishan deegaanka Ceel-Baraf oo saldhig ciidan ku lahaayeen ciidamada Burundi, waxa ayna halkaasi ku laayeen ciidamo badan iyagoo sidoo kale ku furtay hub kala duwan iyo agab ciidan.

Ciidanka ATMIS oo weerar ku qaaday deegaan ay gacanta ku hayaan Al-shabaab
To Top