WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ka heshiiyay Khilaafkii jiray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa Qasriga Madaxtooyada ku yeeshay kulan muhiim u ah Somaliland oo laga heshiiyay aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala aragti duwanaa.

Waxaa kulankan saddex geesoodka ah la iskula qaatey in si mid ah loo Wadda xuso maalinta 18 May oo ah sannad guuraddii 31-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland shaacisay iney ka madax banaan tahay Somalia inteeda kale.

Waxaa kale oo kulankan la iskula afgartey in kulan danbe la isugu yimaado kaasoo laga arrinsanyo doorashooyinka Somaliland ee sannadkan qorsheysan, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ahna Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye oo ka war-bixiyay is fahanka kulankan laga gaadhey.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin isugu jira Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sheegay in guul laga gaaray kulankan, dhinaca kale, Siyaasi Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo soo qabtey ayaa kulankan hadalo ku taxaluqa kulanka iyo ahmiyadiisa halkaasi ka jeediyey.

Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ka heshiiyay Khilaafkii jiray
To Top