WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Qarax khasaaro dhaliyey oo Goor dhow ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lau Aaso ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay Maqaayad ku taalla degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Wararka  ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa la dhigay maqaayad laga cunteeyo oo lagu magacaabo Maqaayadda Bintood, taas oo kasoo horjeeda Xarunta Maamulka degmada balcad, halkaas oo ay inta badan tagaan Xubno kamid ah Shaqaalaha Maamulka degmada.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in qaraxa ka dhacay degmada uu ka dhashay khasaaro gaaray qaar kamid ah dadkii sugnaa maqaayada uu qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Balcad.

Ilwareedyo ayaa ku warramay in qaraxa khasaaraha ugu badan ee ka dhashay ay tahay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadkii ka cunteeynayay, waxaana Goobta tegay Ciidamada Maamulka degmada, kuwaas oo gurmad u sameynaya dadka dhaawacmay.

Faah faahin: Qarax khasaaro dhaliyey oo Goor dhow ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe
To Top