WARARKA SOOMAALI

Ciidamada DANAB oo fuliyay oo fuliyay howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaano hoostaga degmooyinka  Awdheegle, iyo Qoryeeleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka xoogga Dalka ayaa intii uu howlgalka socday waxay cagta mariyeen meelihii Al-shabaab gabaadka u ahaa sida Maxkamad ay ku lahaayeen tuulooyinka Adiimoole iyo Degwariiri, oo ah inta u dhexeeyso degaanka tooratooroow iyo degmada Qoryooleey.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo  kale howlgal ka sameeyay Tuulooyinka Daarusalaam  iyo Mubaarak halkaasi oo khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Intaasi kadib ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad ee kumaandooska DANAB ayaa gaaray degaanka tooratooroow halkaasi oo ay ku gaareen howgal qorsheeysan iyagoo gabi ahaanba burburiyay meelihii ay ku sugnaayeen Shabaabka

Ciidanka xoogga dalka ayaa jab xoogan gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, iyagoo dilay afar Sarkaal iyo 7 maleeshiyo ah oo ka tirsan Al-shabaab, sida uu Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u xaqiijiyay Taliyaha ururka 83-aad G/le Nuurdiin Macalin Xuseen,

 

Ciidamada DANAB oo fuliyay oo fuliyay howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab
To Top